Fahfaahin: Doon dabka ku qabsaday Xeebta Boosaaso [Daawo]

Image

BOOSAASO, Puntland - Dooni siday shixnado Ganacsi, oo isagu jira Shidaal, Baabuur iyo Alaabo kale oo laga keenay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka ayaa maanta dab ku qabsaday xeebta Boosaaso.

Dabka ayaa baabi'iyay dhamaan xamuulkii saarnaa Doonta, iyadoo ay Ciidamada Badda Puntland ay ku guuleystay oo kaliya inay kasoo badbaadiyeen saddex naaquude oo u dhashay dalka India.

Naaquudiyaasha ayaa dhaawacyo kasoo gaarey dabka, waxaana la dhigay Isbitaal. Ma jirto Khasaaro nafeed oo ka dhashay Dabka burburiyay Doonta.

Dabka ayaa lagu soo waramayo inuu ka kacay gudaha Doonta, gaar ahaan dhanka Matoorka, kaasi oo si xowli ah ugu fidiyay qeybaha kala duwan ee doonta, iyadoo ay gubteen wixii saarnaa.

Doonta ayaa la filayay inay saaka kusoo xirato Dekedda Boosaaso, iyadoo u rarnayd Ganacsato reer Puntland ah, kuwaasi oo ku khasaarey hadda masiibada ku dhacday Badeecadahoodii usoo socday.

Meel 5 Mile u jirta Dekedda ayuu dabka ku qabsaday Doonta, iyadoo gurmadka loo sameeyay uu ahaa mid laga daahiyay taasi oo keentay in doonta iyo alaabtii saarnayd ay dhamaan dabka ku bas-beelaan.

Bishii February ee sanadkan, Dooni siday alaabo Ganacsi oo iyana ka timid Dubai ayaa ku dagtay nawaaxiga Dekedda Boosaaso, kadib markii cilad ay soo wajahday, oo gudaheeda biyo kusoo furmeen.

Doonta waxaa maalmo kadib u guramday Shacabka reer Boosaaso, oo u sameeyay Deked macmal ah, iyagoo ku guuleystay inay kasoo dejiyaan rarkii saarnaa, oo loo samata bixiyay Ganacsatadii lahayd.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM