Fariimaha Farmaajo uu ka aruriyay shacabka Puntland [Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Farmaajo ayaa ka hadlay fariimaha iyo talooyinka uu ka aruuriyay shacabka reer Puntland intii uu ku ugudaha jiray booqashiisa Todobaadka qaadatey.

Isagoo ka hadlayay Xaflad ka dhacday Boosaaso, ayuu ka sheegay Farmaajo in dadkii kala duwanaa ee uu la kulmay intiii uu ku sugnaa Puntland ay siiyeen ra'yi iyo feker ku aadan sidoo loo hormarin lahaa dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in ra'yi aruurinta uu sameeyay ay qeyb ka ahayd Booqashadiisa uu ugu kuurgalayay howlaha iyo waxa ka jira Puntland, iyo inuu isna uga warbixiyo xaaladda guud ee dalka.

Wuxuu xusay Farmaajo in talooyinka la siiyay ay muhiim u yihiin shaqada dowladdiisa maadaama ay tahay mid shacabka ay doorteen, kana tarjumayso danaha Ummada Soomaaliyeed.

Dardaaranka uu helay Farmaajo waxaa kamid ah in dowladda dhexdheeda ay yeelato wadashaqeyn, islamarkaana ay ka fogaato is-qab-qabsiga iyo khilaafka ragaadiyay dowladiihi ka horeeyay.

Waxa uu carabka ku dhuftay in khilaafka ay fursad u tahay Al Shabaab oo dib isku abaabula marka ay madaxda qaranka isku mashquulsan yihiin, taasina ay ka baaraan-degtay dowladdiisa inay dhacdo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM