Farmaajo oo dhagax-dhigay wadada isku xirta Eyl iyo Garoowe

Image

DANGOROYO, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta dhigax-dhigay waddo Laami ah oo isku xiri doonta magaalooyinka Eyl iyo Garoowe ee gobolka Nugal.

Farmaajo oo ay welinayaan wufuud katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Puntland, ayaa dhagax dhigan sameeyay isagoo safar u sii ahaa magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar halkaas oo uu ku joogi doono booqasho hal maalin ah.

Wafdigan ayaa ka hor inta aysan dhagax-dhiga samayn waxaa soo dhaweyn ballaaran loogu sameeyay degmada Dangoroyo ee gobolka Nugal, halkaas oo ah meesha ay ka bilaaban doonto shaqada wadada isku xiri doonta magaalooyinka Eyl iyo Garoowe.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa taagnaa hareeraha wadada xiriirisa Boosaso iyo caasimadda Garoowe, iyagoo watay calamada Soomaaliya iyo Puntland.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa dhagax dhiga kadib la hadlay dadka reer Dangoroyo, wuxuuna uga mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, isagoo ugu baaqay inay ka qayb qaataan hormarka dalka iyo kor u qaadista ammaanka.

Farmaajo, wuxuu sheegay in wadada isku xiri doonta Eyl iyo Garoowe, ay muhiim u tahay hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka gaar ahaan wax-soo saarka iyo ganacsiga isagoo sheegay in qorshahan dad badan shaqo abuur ka heli doonaan.

Wadadan oo dhawaan la filayo in shaqadeeda si Rasmi ah loo bilaabo ayaa waxaa dhisi doonta shirkad laga leeyahay dalka China oo lagu magacaabo CCECC.

Jidkan ayaa muhiim u ah isu socdalka dadka iyo gaadiidka gaar ahaan degmada Taariikhiga ah ee Eyl oo kaabiga ku haysa Bad-weynta Hindiya, halkaasoo mar fariisin u ahaan jirtay Sayid Maxamed Cabdulle Xasan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM