Farmaajo oo la kulmay mas'uuliyiinta iyo wax-garadka Galmudug

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GALKACYO, Puntland- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalmahan safar ku marayay Puntland ayaa gaaray xarunta Madaxtooyada Dowlad Goboleedka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo isaga oo shacabkii soo dhaweeyay u sheegay in dowladda Federaalka ay ka go'antahay nabadeynta Galkacyo.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka ku nool Gobolka Mudug midnimo iyo wadajir si ay u gaaraan horumarka ay higsanayaan, isla markaasna dadaal dheeri ah ay geliyaan sidii ay uga gudbi lahaayeen khilaafaadka soo noq-noqday ee ragaadiyey nolashooda.

“Nabad la’aanta waxaa idin kaga maqan horumar. Annaga dowlad ahaan wixii mashaariic horumarineed ah ee aad u baahantihiin waa idin keeneynaa, balse reer Gaalkacayo maanta waa in ay kala doortaan in ay ku tartamaan Colaadda ama horumarka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadeyso tallaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso midnimada iyo wada jirka bulshada Gobolka Mudug, isagoona faray dhammaan dhinacyada kale ee heer Gobol iyo heer Degmo in ay u istaagaan Dib u heshiisiinta dadka walaalaha ah ee ku cool Galkacyo..

“Dib u heshiisiinta aan wadno waxa ay tahay in qofkasta oo gobolkan ku sugan uu kaalintiisa ka qaato sidii aan u ilaashan lahayn midnimadeenna iyo wada jirkeenna. Gaalkacayo oo nabad ah waa Soomaaliya oo nabad ah.”

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa dhagax dhigay Xarunta Nabadeynta iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliyeed iyo xabsiga dhexe ee Galmudug oo laga hirgelinayo Gaalkacayo.

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu dhagax dhigay waddo isku xiri doonta degmada Hobyo iyo magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulamo wada tashi la qaatay Madaxda heer Dowlad Goboleed, duubabka dhaqanka, culumada iyo qeybaha kale ee bulshada, si loo dar dar geliyo dadaallada nabadeynta iyo dib u heshiisiinta shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM