​Farole: Cadde Muuse ha loo bixiyo Garoonka Bosaso

Image

GAROWE, Puntland- Xildhibaan Cabdiraxmaan Farole oo kasoo laabtay magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, ayaa ka cudur-daartay inuusan ka qayb galin aaska Marxuum Generaal Cadde Muuse loogu sameeyay magaalada Bosaso.

Farole ayaa tacsi u diray dhammaan ehelkiisa iyo umadda reer Puntland ee uu ka baxay Maxamud Muuse Xirsi.

"Anigu waan kasoo gaari waayay inaan tago Janaasada AUN Cadde Muuse Xirsi Madaxweynihii aniga iga horeeyay oo lagu aasay meeshii uu alle u qadaray, Xaaskiisii iyo Wiilkiisii Curad waxaan u tacsiyeeyay bisha 08 markii uu dhintay, hadana mar labadaad ayaan uga tacsiyaynayaa warbaahinta ILAAHAY ha u naxariisto qoyskiisiina EEBBE haka samirsiiyo, eheladiisii iyo reer Puntland oo dhan,"Ayuu yiri Mudane Farole.

Wuxuu baaq u diray dowladda iyo Shacabka Puntland isagoo dalbaday in garoonka diyaaradaha Bosaso loogu magac daro General Cadde Muuse, maadamo uu ahaa shakhsi shaqo weyn kasoo qabtay madaarka.

"Waxaan soo jeedinayaa oo aan usoo jeedinayaa xukuumadda hadda joogta, shacabka reer Puntland raali ka noqdaan, Airport Bosaso isaga ayaa bilaabay howshiisa anigu isagaan kasoo gaaray, terminalka isaga ayaa taagay anigu dhammaystirkii ayaan lahaa, run-way gana isaga ayaa ciidda dhigay anigu baaristiisa iyo maalgalin u raadistiisa, dhammaystirkiisan xukuumaddan ayaa soo gaartay, hadii cid lagu maamuusayo isaga ayaa leh in lagu maamuuso oo loo bixiyo Maxamud Muuse Xirsi Airport ayaan soo jeedinayaa xukuumadda iyo shacabkuna ila qaataan,"Ayuu hadalkiisa ku daray mudane Farole.

Hadalkan ayaa kusoo aaday xilli wali aan magac rasmi ah wali loo doorin Garoonka diyaaradaha Bosaso oo xariga laga jaray sannadkii hore.

Lama oga in tallaabadan ku raaci doonto Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM