Farole oo hambalyada Kowda August u diray shacabka Puntland [DHEGEYSO]

Image

August 1, 2015 (GO)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Farole oo Garowe ku sugan ayaa hambalyada sanad-guurada 17aad ee kasoo wareegtey markii la dhisay Puntaland wuxuu diray shacabka reer Puntland.

Farole ayaa guul iyo horumar u rajeeyey Puntland isagoo Ilaah uga baryeyey in sanadkan sanadkiisa xiga uu ku gaarsiiyo barwaaqo iyo nabad.

Dhammaan deegaanada Puntland waxaa maanta looga dabbaal degey sanad-guuradi 17aad ee kasoo wareegtey markii la asaasay Dowladda Puntland, sanadkii 1998.

Waxaa xusid mudan in sanadkan magaalo madaxda Garowe si weyn looga dareemin xuska Kowda August, maadaama dowladdu baajisey isku-soo bixii iyo gaaddo ka ciyaarkii ciidamadu ka sameyn jireen Fagaaraha Barxadda.

Dhanka kale, Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo sabti ah hoygiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Puntland Dr. Cabdiraxmaan Farole.

Ujeedka booqashada ayaa ahaa salaan iyo tacsiyeyn sida uu warbaahinta u sheegay Eng. Camey. 

GAROWE ONLINE​

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM