​Farole oo tacsi ka diray geerida Cadde Muuse

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynihii hore Puntland ahna Xildhibaan katirsan Aqalka Sare Barlamanka Somalia, Cabdiraxmaan Farole ayaa tacsi u diray General Cadde Muuse Xirsi oo ku geeriyooday dalka Isu tagga Imaaraadka Carabta.

Cadde ayaa ahaa Madaxweynihii ka horeeyay Farole oo jagadaas ku wareejiyay 2009.

Cabdiraxmaan Farole ayaa sheegay in geeridaas tahay mid ay aad looga naxo, wuxuuna tiiraanyadeeda la wadaagay qoyskiisa, carruurtii iyo umadda Somaliyeed ee uu ka baxay.

"Galabta xilli aan ku jirnay hoolka doorashada, waxaa nasoo gaaray inuu dalka Imaaraadka ku geeriyooday General Cadde Muuse, runtii waa geeri aad looga naxo, waxaana tacsi la wadaagayaa Xaaskiisa, carruurtii, qaraabadiisa, dadkii ka agdhawaa iyo umadda reer Puntland, waxaana leeyahay alle geeridaas ha ugu badalo janno iyo naxariis,"Ayuu yir Farole xilli muuqaal kooban soo dhigay Boggiisa Facebook.

Farole, ayaa intaas ku daray inuu aaskiisa ka qayb gali doono hadii waddanka la keeno oo ay ka gaaraan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM