​Farole oo tacsi ka diray Geerida Nabadoon Af-cadde

Image

Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole, ayaa tacsi kadiray Geerida shalay 29 Febraayo kutimi Allaha u naxariisteen Nabadoon Xassan Cuuke Afcadde, isagoo qoyskii, ehelkii iyo bulshada Puntland ee uu ka baxay u rajeeyay in EEBBE samir iyo iimaan ka siiyo.

Farole, wuxuu ku tilmaamay  marxuumka inuu ahaa shakhsi muhiim ahaa oo ka baxay bulshada isagoo ku sifeeyay dadka fara kutiriska ah ee maslaxadda umadda u taagnaa.

Madaxweynihii hore, ayaa tacsi khaas ah u diray carruurtiisa iyo xaasaskii uu ka tagay, gaar ahaan Cismaan Cuuke Afcade.

Marxuumka aya shalay ku geeriyooda magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug, isagoo isla shalay halkaasi lagu aasay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM