​Farole oo tacsi u direy ehelka Fiqi Bashiir

Image

GAROWE, Puntland- Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamud Farole oo ah Xildhibaan katirsan Aqalka Sare ee Barlamanka Somalia, ayaa tacsi u direy ehelka Marxuum Fiqi Bashiir oo kamid ahaa Isimada Puntland kaasoo maanta lagu aasay gobolka Mudug.

Farole oo la hadlayay Radio Garowe, ayaa Marxuumka ALLE uga baryay inuu ugu deeqo naxariistiisa waasaca ah, halka qoyskiisana EEBBE u weydiiyay Samir inuu ka siiyo Fiqiga oo uu ku tilmaamay shakhsi qiimo ku dhex lahaa bulshada Somaliyeed.

“Waxaan jeclahay inaan tacsi ka diro Geerida ku timid Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan oo ahaa Madax dhaqameed iyo Mutacallim, waxaa rabaa inaan tacsidan gaarsiiyo Qoyskiisii, asxaabtiisii iyo umadda Somaliyeed ee uu ka baxay marxuumku,” Ayuu yiri Farole.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed, ayaa xusay in marxuumka ay muddo soo ahaayeen rafiiq islamarkaana ku sifeeyay shakhsi bulshada Somaliyeed wax u soo qabtay.

“Waxaan ALLE uga baryayaa inuu u naxariisto, wuxuu ahaa Shakhsi wax u qabtay bulshada Somaliyeed,” Ayuu hadalkiisa ku daray Farole.

Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan, ayaa maanta la keenay Maydkiisa magaalada Galkacyo, waxaana lagu aasay isla magaaladaas iyadoo uu ka qayb galay Madaxweynaha Puntland iyo xubno katirsan golayaasha dowladda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM