Faysal Cali Waraabe: Jabuuti baa nooga daran Soomaaliya

Image
Xukuumada Jabuuti ayaa durtay heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Hargeysa, Soomaaliya - Siyaasiga u hanqal taagaya madaxtinimada Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa maanta ka falceliyay hadal ka soo yeeray Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf kuna saabsanaa Midnimada Soomaaliyeed.

"Jabuuti ayaa nagaga xun Soomaaliya, marka ay noqoto madaxbanaanida Somaliland" ayuu yiri.

Hadalkaan ayaa yimid ka dib markii Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti uu sheegay in ay wadaan waanwaan ay isugu soo dhaweynayaan madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya ka dib khilaafkii badda.

Wasiirka ayaa xusay in uu jiray kulan kan ka horeeyay oo dhaxmaray Itoobiya iyo Soomaaliya kaas oo ka dhacay dalka Kenya, islamarkaana la filayo in kulan kale uu ka dhaco dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay diidanyihiin heshiis beenaadkii ay gaareen Itoobiya iyo maamulka Somaliland, kaas oo lagu saxiisay Addis Ababa, ixtiraamna u haayaan madaxbanaanida Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM