​Fiqi Bashiir oo lagu aasay magaalada Galkacyo [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- AUN waxaa galinkii dambe maanta magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug lagu aasay Marxuum Fiqi Bashiir Cabdulle Cusmaan oo kamid ahaa Isimada Puntland, kaasoo horaantii bishan ku geeriyooday waddanka Sweden.

Aaska Marxuumka, waxaa ka qayb galay Madaxda Puntland, mas’uuliyiinta katirsan golayaasha dowladda, Isimo, Nabadoono, Waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Diyaarad khaas ah oo waday Maydka Marxuumka, ayaa soo cago dhigay Garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf, halkaasoo ay ku sugnaayeen madax iyo dadweyne aad u faro badan.

Salaadda Janaazada ayaa si wadajir ah loogu tukaday qabuure ku yaalla duleedka magaalada Galkacyo.

Dhammaan mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay duugta ayaa si wadajir ah ugu duceeyay marxuumka, waxayna ALLE uga baryeen inuu ugu deeqo naxariistiisa.

Waxay sheegeen inuu ahaa shakhsi aad u wanaagsan oo bulshada ku dhex lahaa sumcad ballaaran.

Madaxda Puntland, ayaa sidoo kale qoyska iyo bulshada Somaliyeed ee uu ka baxay uga baryay inuu samir iyo iimaan ka siiyo.

'' Waxaan rabaa anigoo ku hadlaya Magacayga kan Dawladda  iyo kan shacabka Puntland-ba halkani inaan uga diro tacsi ummaada Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland geeridaas kutimi Fiqi Bashiir Cabdulle Cismaan, illaahay ha'u naxariistee wuxuu ahaa shakhsi qiime weyn ugu fadhiya Soomaaliya, usoo shaqeeyey, wax badan usoo taray ayuu ahaa, inagana waajibka inaga saaran waxay tahay  inaan u ducayno, Illahay u barrino inuu u naxariisto,'' Ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Fiqiga ayaa dhintay 5-tii bishii Julay, isago da’diisu marayso 75 sano.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM