Gaalkacyo: Xubno AS ah oo dil toogasho lagu fuliyay

Image
Dowladda Puntland ayaa sheegtay in talaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaalka ay ugu jiraan nabadgelyada.

GAALKACYO, Puntland - Puntland ayaa maanta toogasho ku fulisay 10 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo horey dil loogu xukumay.

Fulinta xukunkaan ayaa imaaneysa maalmo un kadib markii koox ka tirsan Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla Gaalkacyo.

Booliska Puntland ayaa maalmood kadib waxay sheegeen in ay dib u soo qabteen qaar ka mid ah maxaabiista fakatay.

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in talaabooyinkan ay qayb ka yihiin dadaalka ay ugu jiraan nabadgelyada iyo xasilloonida deegaannada ay maamusho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM