Gaas: cafis ayaa loo fidinayaa xubnaha kasoo baxa Al-shabaab

Image

December 2, 2014 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa booqdeen fariisimaha ciidamada Puntland ee deegaanka Galgala ayaa sheegay in la kordhiyey waqtigii horay dowladda Puntland u shaacisay inay cafis u fidin doonto xubnaha ka tirsan Al-shabaab ee kooxdaas isaga soo baxa.

Shir-jaraa'id oo maanta uu isla Galgala ku qabtey, wuxuu ka sheegay in muddo bil ah lagu kordhiyey waqtigii horay fursada loogu siiyey xubnaha ku jira Al-shabaab in la cafin doono hadii ay dowladda isu soo dhiibaan.

" fursad cusub ayaan siineynaa xubanaha Al-shabaab...muddo bil ah ayaa lagu kordhiyey waqtigii horey dowladu ugu qabatay cafinta dadka kasoo baxaya Al-shabaab" Madaxweynaha Puntland ayaa yiri isagoo intaas raaciyey inay dowladdiisa ka go'an tahay dabargoynta Al-shabaab.

Dhanka kale Cabdiweli Gaas wuxuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay in xukuumadda uu hogaamiyaa dadaal badan ku bixin doonto sidii dib loogu soo celin lahaa boqollaalkii qoys ee beeraleyda u badnaa ee ka barakacay Galgala kadib markii ay deegaankaas Al-shabaab fariisinka ka sameysatay.

Gaas oo ay weheliyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, saraakiil ciidan iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Bari wuxuu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee halkaas ku sugan isagoo sidoo kale ku dhex lugeeyey tuulada galgala islamarkaana booqday beeraha ku yaalla togga Galgala.

Faah faahin ku saabsan booqashada Cabdiweli Gaas ee Galgala iyo sawiradaba dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM