​Gaas "Dagaalka kooxda Shabaab weli ma dhammaan"[ Dhageyso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo maanta soo gaaray magalada Garowe, ayaa ka hadlay dagaalka ka dhacay deegaanada Puntland gaar midka ka socda gobollada Nugal iyo Mudug ee lagula dagallamayo kooxda lala xiriirinayo Al-Shabaab.

Gaas ayaa sheegay in dagaalku uusan wali dhammaan islamarkaana uu soconayo holwgallada ka dhanka ah Shabaab, wuxuuna u mahadceliyay ciidamada qalabka sida, dhalinyarada, haweenka iyo odoyaasha gacanta ka gaystay intii dagaalku socda isagoo bulshada reer Puntland ku ammaanay qaabka la isug duubanyahay.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay qaabka kooxdan kusoo galeen Puntland isagoo tibaxaay inay tahay xeeladaha kooxdan ee markasta adeegsanaya nidaam cusub markay ku fashilmaan kii hore, isagoo xusay in dowladdu wadayso la dagallanka Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay safarkiisa Ethoipia iyo Maraykanka wuxuuna tilmaamay inuu kusoo dhammaaday guul, wuxuuna tibaaxay in xukuumadda Addis Ababa kala hadleen dagaalka mallayshiyaadka Shabaab lagula jiro.

Qurba joogta Puntland ayuu ammaanay kaalinta ay ku leeyihiin hormarka iyo qaabka isugu duubanyihiin wuxuuna ugu baaqay inay dalka yimaadaan oo maalgashadaan.

Dhinaca kale Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali ayaa booqasho ku tagay cusbitalka weyn ee Garowe, isagoo u kuurgalay xaaladda dhawaacyo katirsan ciidanka Puntland oo lagu dabiibayo cusbitalka, isagoo mid mid ugu tagay wuxuuna mar uu lahadlay ku sifeeyay halyeeyo dalkooda iyo dadkoodu u huray dhiigooda.

Dadka dhawaca ah waxaa sidoo kale qayb ka ahaa haweenay ay waxyeelleen mallayshiyaadka dowladdu dagaalka la gashay, waxaan booqday madaxweynaha isagoo looga warbixiyay qaabka wax u soo gaareen waxaana wiil ay dhashay sheegay in hooyadii qayb ka qaadatay sidii kooxdan loola dagallami lahaa islamarkaana ciidamada loogu wargalin lahaa hadba goobta ay joogaan, waxaana maamaadaasi lagu dhaawacay deegaanka Suuj ee gobolka Nugal.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in garoonka diyaaradaha Canoco maanta diyaarad laga saaray dhaawaca labo askari oo xaaladoodu liidatay.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM