Gaas: Duullaanka Somaliland wuxuu garab u yahay Argagixisada

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, oo goordhow warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa ka hadlay dagaal maamulka Somaliland uu kusoo qaaday deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan Puntland.

Gaas ayaa shir saxaafadeedkiisan ku dhaliilay Somaliland oo uu sheegay inay weerarkan kusoo beegtay xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu ku suganyahay Puntland, taasoo uu tilmaamay inay carqalad ku tahay geedi socodka nabadda.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in arrintan tahay farogalin qaawaan oo lagu hayo xuduuda Puntland, isagoo xusay inaysan u dulqaadan doonin daandaansi ka dhan ah nabadgalyada iyo xasiloonida maamulkan mudada dheer kusoo jiray.

Cabdiwali Maxamed, ayaa sidoo kale Somaliland ku eedeeyay inay garab iyo gaashaan u tahay Argagixisada, wuxuuna yiri, “Sidaad ogtihiin Puntland waxay dagaal kula jirta kooxaha Daacish iyo Al Shabaab, waxaana duullaanka qaawan ee maamulka Hargaysa uu Garab iyo Gaashaan u yahay Argagixisada.”

Shacabka Puntland ee dalka iyo dibadaba ku dhaqan ayuu ugu baaqay inay u diyaar garoobaan difaaca dalka Iyo ilaalinta xuduudooda, wuxuuna dowladda Soomaaliya iyo Beesha Caalamka u diray fariin ah in arrintaas wixii ka dhasha ay mas’uuliyadeeda leedahay Somaliland.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli Somaliland ay shaley la wareegtay deegaanka Tukaraq oo fariisin u ahaa ciidamo katirsan Puntland, xilli Madaxweyne Farmaajo iyo wafdi la socda ay xariga ka jarayeen garoonka General Maxamed Abshir Muuse ee magaalada Garoowe.

Sidoo kale Madaxweyne Gaas ayaa warkiisan kusoo beegay xilli shir waqti badan qaatay oo saxaafaddu dibada ka joogtay ay golaha wasiirada Puntland ku lahaayeen xarunta Madaxtooyada iyadoo la fillo in Wafdiga Farmaajo berri u amaba-baxaan magaalada Qardho ee gobolka Karkaar.

Maaha markii ugh horaysay xiisad dagaal dhex-marto maamullada Somaliland iyo Puntland oo ku murma gobollada Sool iyo Sanaag.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM