Gaas: In la kordhiyo lacagta Dekedda Khasab weeye

Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo bixinayay waraysi gaar ah ayaa ka hadlay xaalada dekedda Boosaaso, duqaymo ka dhacay gobolka Bari iyo safarkiisii Ethiopia.

Gaas ayaa sheegay in socdaalkiisii Ethiopia uu ahaa mid ay ku jirto danta shacabka iyo Ganacsatada Puntland sidii ay suuq ugu heli lahaayeen badeecooyinkooda.

Wuxuu intaas ku daray in Madaxda Ethiopia ay isla soo qaadeen dagaalka Argagixisada islamarkaana soo kala saxiixday heshiis ku saabsan Ganacsiga iyo amniga.

Madaxweynaha ayaa isku xiray safarkiisa Ethiopia iyo qalalaasaha ka daagan Boosaaso isagoo sheegay inaysan macquul ahayn in fowdo la abuuro isaguna uu u dedaalayo ganacsiga Puntland.

Waxaa wax laga weydiiyay cabshada ganacsatada Boosaaso iyo in dowladdu garowshiyo ka bixin doonto wuxuuna ku jawaabay, "Lacagta waa la kordhinayaa sababtoo ah 336 Malyan oo dollar, marka in wax la kordhiyaa khasab weeye waayo qofku wuxuu maalgashaday waa inay wax uga soo noqdaan."

Duqaynta Diyaaradaha Maraykanku ka wadaan gobolka Bari ayuu sheegay inay sii socon doonaan islamarkaana lagu dilay mallayshiyaad katirsan Daacish, inkastoo uu xusay inuusan maqal waxyeello soo gaartay horjoogayaasha ururkaas.

Waraysigan oo ay BBC-du ka qaaday Gaas ayaa kusoo beegmay xilli muddooyinkii dambe aysan wanaagsanayn xaalada magaalada Boosaaso iyadoo ismaandhaaf u dhaxeeyo ganacsatada iyo dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM