Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Jubaland oo gaarey Talyaaniga

Image

May 6, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo uu wehelinayey madaxweyne ku-xigeenka Jubaland Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Farataag ayaa xalay gaarey magaalada Rome ee xarunta dalka Talyaaniga.

Gaas ayaa shalay magaalada Muqdisho gaarey halkaasoo isaga madaxweyneyaasha dowladaha qaybta ka ah federaalku kulan kula qaateen xog-hayaha arrimaha dibadda Maraykanka oo shalay booqasho aan horay loo shaacin muddo koobanna qaadatey Muqdisho ku yimid.

Talyaaniga ayaa mashaariic ka hirgaliyey Puntland kuwasoo isugu jira tageerada booliska, dhismaha garoonka diyaardaha Bosaso, TV-ga Puntland iyo mashaariic kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM