Gaas: "maslaxad Puntland leedahay uma tegin Muqdisho"

Image

February 7, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu horkacayey oo booqasho muddo saddex maalmood ah qaadatey Muqdisho ku gaarey ayaa maanta dib magaalada Garowe ugu soo laabtey. DHEGEYSO SHIRKA JARAA'ID

Wafdiga Madaxweynaha si weyn ayaa garoonka diyaaradaha loogu soo dhoweeyey, waxaana intaas kadib loo soo gudbiyey aqalka madaxtooyada halkaasoo uu warbaahinta kula hadlay. 

Ugu horreyn wuxuu si kooban uga warbixiyey ujeedada safarkiisa Muqdisho iyo natiijadii kasoo baxday kulamadii uu lasoo qaatey madaxda dowlada dhexe ee federaalka iyo dowladaha kale ee federaalka qaybta ka ah.

Isagoo ka jawaabayey su'aal Radio Garowe weydiiyey oo la xiriirtey in shirkii Muqdisho looga wada hadlay heshiisyadii horay u dhex maray Puntland iyo Dowlada Federaalka, Cabdiweli Gaas wuxuu ku jawaabey inuusan Muqdisho u tegin maslaxadda Puntland balse ujeedadu ahayd sidii ay madaxda kale ee dalka ugala soo tashan lahaayeen mustaqbalka siyaasadeed ee dalka iyo weliba qaababka ugu haboon ee dowlada dhexe iyo dowlad goboleedyadu ku wada shaqeyn karaan.

" waxa meesha loo tegey ma ahayn ajande gaar ah oo Puntland leedahay...ujeedadu waxay ahayd in si guud laysu arko, fikir guud oo Soomaaliyeedna laga wada hadlo" ayuu yiri.

Su'aal kale oo ku saabsaneyd qaabka ay suuragalka ku noqoneyso in dowladda Muqdisho iyo dowladaha kale ee fedaraalka ka tirsani hal cod kula hadlaan beesha caalamka, wuxuu kaga jawaabey inay lagama maarmaan tahay rabitaanka Soomaalida in lagu saleeyo taageerada beesha caalamka, sidaas darteedna loo baahan yahay in hal cod oo mideysan Soomaalidu ku wajahdo caalamka.

Dhanka kale, Gaas ayaa sheegay marka la gaaro bisha April ee soo socota in wejiga labaad ee shirka wada-tashiga lagu qaban doono magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Arimaha shirka Garowe diirada lagu saari doono wuxuu Madaxweynuhu sheegay inay kamid yihiin: dhameystirka dastuurka, kala xadeynta gobolada, dhismaha ciidamada qaranka, dhismaha maamullada dhiman iyo ka gun gaarista higsiga 2016-ka.

Booqashada Cabdiweli Gaas ku tegey Muqdisho ayaa ahayd tii labaad laga soo bilaabo markii uu xilka qabtey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM