Gaas oo amrey in la weeraro xabsiga dhexe ee Boosaaso - Fahfaahin.

Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa galabta weerar ku qaadey xabsiga dhexe ee magalada Boosaaso kadib markii ay gadood sameeyeen askartii gacanta ku haysay xaruntaas.

Ciidamada lagu weerarey xabsigaan ayaa wararku sheegayaan iney ka cabanayeen in muddo ah mushahar la’aan baahsan oo sababtey iney gabi ahaan xabsiga kala wareegaan sarakiisha xakuntaas ka talineysay.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo shacab ah ayaa ku dhimatay rasaas wiifto ah oo haleeshay, sida illo ku dhaw saraakiisha amniga Boosaaso u sheegeen GO.

Wararka warsidaha Garowe Online soo gaaraya ayaa sheegaya in ciidamadaaan madaxda maamulka Puntland maanta galinkii hore Sep 27,2018 ka diideen iney ka qataan mushahar Labo bilood ah iyagoo dalbadey in 4 bilood laga siiyo mushaharaadka ka maqan.

Xabsigaan oo ay ku xiran yihiin Maxaabiis baddan oo laga qabtey kooxaha Al Shabaab iyo Daacish ayaa sida warsidahaan ogaadey waxay khasab noqotey in la weerao kadid markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamadaan dowladda gadoodsan maxaabiista ooda ka qaadayaan caawa.

Ciidamada weerarey xabsigaan oo isugu jirey Madaxtooyada iyo PSF ayaa weerarka ay dib ugu qabsadeen xabsigaan ku diley Hal Maxbuus halka tiro askartii gadoodey dhaawacyo kala duwan soo gaareen. 

Gaas muddo xileedkiisa ka dhiman tahay muddo xileedkiisa 3 bilood ayaa xildhibaano soo xulinayaan beelaha daga maamulkaan waxay Jan 9,2019 dooran doonaan Madaxweynaha hogaamin doona maamulkaan 5-ta sano ee soo socota.

Maamulka Puntland ayaa waxaa lasoo gudboonaadey Shantii Sano ee lasoo dhaafey mushahar la'aan sababtey in hay'adaha amniga fadhiid noqdaan taasoo ugu dambeyn sababtey in ciidamo ka tirsan dowlada weeraraan mid kamid ah xarumaha ugu muhiimsan jiritaanka hay'adaha ilaalilnta sharciga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Booliska oo Muqdisho ku xiray La-Taliye Sare oo ka tirsan Madaxtooyada Puntland

Ilaa hadda, masuuliyiinta dowladda federaalka kama aysan hadlin eedeymaha la xiriira gacan ka hadalka loo geystay xildhibaannada.

  • Puntland

    04-03-2026

  • 08:09AM

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM