​Gaas oo booqday dhaawacyo lagu dabiibayo Addis

Image
Image
Image
Image
Image
Image

ADDIS ABABA- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ay wehilanayaa xubno kasocda golayaasha fulinta iyo sharci dajinta, ayaa booqasho ugu tagay ciidamadii kusoo dhaawacmay dagallo lala galay kooxo katirsan Shabaab, kuwaas oo xaalad caafimaad loo keenay xarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Booqashadan ayaa madaxweynuhu ku ogaanayay arrinta caafimaad ee ciidamada, waxaana qoraalka kasoo baxay madaxtooyada Puntland lagu sheegay inay wanaagsantahay islamarkaana loo qaadayo dalka India si loo soo marin hubin caafimaad.

Dhinaca kale Madaxweyne Gaas, ayaa kulan qado ah la qaatay madaxweynaha ismaamulka Somalida Ethiopia Cabdi Maxamed Cumar, waxayna kawada hadleen arrimo kala duwan oo xiriirka labada dhinac khuseeya gaar ahaan ganacsiga iyo kastanka Tuur-dibi ee dhawaan la furi doono.

Kulankaasi ayaa la sheegay in labada dhinac isku afgarteen islamarkaana isla gaareen go'aamo ah in la xoojiyo xiriirka wadashaqeyneed ee ka dhaxeeya.

Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay shirkii "Tana High level Forum on Security" oo ka dhacay magalada Bahir Dar ayaa weli ku sugan Addis, isagoo ku jira booqashooyin uu ku tagayo xarumo sameeya Birta Culus iyo Hubka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM