Gaas oo dhagax dhigay jidka madaxtooyada oo laami noqonaya

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

October 16, 2014 (GO)- Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas ayaa maanta oo Khamiis ah dhagax dhigay wadada isku xirta madaxtooyada iyo magalada Garowe oo laga dhigayo laami cusub.

Wasiirka howlaha guud iyo gaadiid Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ayaa sheegay dhaqaalaha ku baxaya wadadaan inay kasoo baxday shacabka ayna muhiim tahay in laga qayb qaato hormarinta gobolada.

Wajiga kowaad ayuu sheegay Xirsi inay ku baxayso in ka badan saddex boqol oo kun oo doolar, iyadoona uu timaamay laamigaani inuu noqon doono mid laba qaybood ah oo gawaaridu isku dhaafi karaan.

Maayarka Garowe Cabdicasiis Nuur Cilmi Koor ayaa sidoo kale sheegay inay ka go'an tahay sidii qurxinta iyo kor u qaadista bilicda magaalada Garowe looga shaqayn lahaa.

Agaasimaha Hay'adda Jidadka Puntland (PHA) Maxamuud Cabdinuur ayaa isna sheegay dhismaha jidkan in loo xil saaray shirkad maxalli ah oo lagu magacaabo Is-xilqaan.

Madaxwayne Gaas ayaa sheegay inay guul tahay dhagax dhiga wadadaan oo mudo badan sugaysay in la habeeyo, wuxuna soo jeediyay in shacabku ay isku tashadaan oo ay ka qayb qaataan hormarka Puntland ka socda.

Dhererka jidkan ayaa gaaraya 1.3km, waxayna hagaajinteedu qayb ka noqonaysaa wadooyin dhowr ah oo laami noqonaya isla markasna ka socda gudaha Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM