Gaas oo dhoofay xarumo cusubna dhagax dhigay [Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image

03 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhagax dhigay xarumo Dowli ah iyo kuwo ganacsi magalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug.

Xarumaha waxaa yeelanaya wasaaradda Haweenka, Hay'adda wadooyinka Puntland iyo goob laga dhisi doono boqol dukaan agagaarka suuqa xero dayax oo loogu tala galay ganacsatada degmadaasi.

Munaasabadda dhagax dhiga waxaa goob joog ka ahaa mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda Puntland, xildhibaano iyo maamulka degmada Galkacyo.

Dhagax dhiga ka dib Madaxweynaha Puntland ayaa u dhoofay xarunta dalka Kenya ee Nairobi oo uu sheegay inuu u tagi doono hawlo ku saabsan hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Waxa uu tilmaamay inuu la kulmi doono Hay'addo deeq bixiyaal ah, isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay natiijada ka soo bixi doonta shirka Nairobi.

Safar Gaas ayaa qaadan doona 5 bari, sida uu Madaxweynuhu tilmaamay, waxaana bixitaankiisu ku soo beegmaya xilli ay jiraan cabashooyin badan oo ka imaanaya dhanka ciidamada Puntland oo salka ku haya mushahaar la'aan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM