Gaas oo dib ugu noqdey Puntland

Image

BOSASO- Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa ka war-bixiyey waxyaabihii kala kulmeen shirarkii magaalada Muqdisho iyo mawqifka Puntland ka istaagtey go’aankii ay gaadhey dawladda Federaalka ee Somalia ee la-xiriirey geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka.

Gaas ayaa sheegay in shirkii wadatashigu uu noqon waayey mid mira-dhal ah sababtiisa lahayd dawladda Federaalku maadaama madashii keentay wax baal marsan xal u raadintii geeddi socodka doorashooyinka 2016-ka.

Madaxweynaha ayaa sheegey in go'aanka uu ahaa mid shacabka Puntland farey ee uusan aheyn mid isagu iska lahaa balse u taal dadka qaabka Somali wax ula wadaagayaan.

Mudane Gaas ayaa u mahad celiyey waftigii la socdey isaga oo sheegey iney wakiil ka ahaayeen shacabka Puntland qaybihiisa kala duwan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM