Gaas oo diidey in saxaafadu su’aalo waydiiso xilli uu dib ugu noqdey Garoowe [ Daawo]

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland ayaa maanta dib ugu noqdey magaalo madaxda maamulka Puntland isagoo maalmihii kasoo dhaafey ku sugnaa magaalo madaxda dalka Kenya ee NAirobi.

Gaas ayaa waxaa ku soo dhoweeyey garoonka diyaardaha magalada Garowe Madaxweyne ku Xigeenka, Xildhibaano iyo sarakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Saxaafada ayaa waxaa uu siiyey hadal kooban isgoo dhinaca kale diidey su’aalo saaxafadu waydiisay inuu ka jawaabo.

Su’aalaha la waydiiyey oo uu diidey inuu ka jawaabo waxaa kamid ahaa inuu yahay musharax iyo xaalada Tukaraq.

Madaxweynaha waqtigu ka sii dhamaanayo Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa weli aan u sheegin shacabka Puntland inuu yahay musharax iyo in kale iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya inuu qorsheynayo talaabooyin lagu carqladeynayo doorashada madaxtiminada ee dhaceysa 2019.

Xildhibaano tageersan Madaxweyne Gaas kuwasoo aan rajo ka qabin in beelahooda dib u soo doortaan ayaa Madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey waxay kawada shaqeynayaan sidii kalfadhiga ugu dambeeya ee Barlamanka u siyaasadeyn lahaayeen iyagoo soo wada mooshin ay ku dalbanayaan in qodobo looga badalo.

Gaas ayaa inta uu hayey talada Puntland waxaa mamulkiisa ragaadiyey musuqmaasuq baahsan kasoo taabanaya dhinacyo badan sida misaaniyada , shaqo bixinta, heshiisyada caalamiga ah, mashaariicda iyo xiriirka Federaalka. 

Maamulka Puntland ayaa waxaa ka dhacaya sanadka soo socda bilowgiisa doorashada Madaxweynaha iyadoo hadda deganada hoos yimaada maamulkaas ka socdaan magacaabista xildhubanada.

HALKAN KA DAAWO WAR-SAXAFADEEDKA GAAS

GAROWE ONLINE  

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM