Madaxweyne Gaas oo Galkacyo gaaray kana hadlin shirkii Kismayo

Image
Image
Image
Image

 Sept 14 , 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaminayo ayaa galinkii dambe ee maanta soo gaaray magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Barlamanka Puntland iyo mas'uuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo.

Gaas oo hadalka kooban siiyay saxaafadda ayaa sheegay safarkiisa Jubbaland uu kaga soo qaybgaley caleemo-saarka Madaxweyne Axmed Madoobe, islamarkaana uu ku soo dhammaaday guul.

Madaxweynaha Puntland kama uusan hadlin shir magalada Kismayo ku yeesheen madaxda Federaalka, Madaxda maamul goboleedyada iyo beesha caalamka kaas oo lagu go'aamiyey in Sept 20,2015 kulan la isugu yimaado magaaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid warsaxafdeed ay maanta soo saareen ayey ku sheegen in magaalada Muqdisho lagu qaban doono kulan looga arinsan doono arrimaha Somalia.

Shirka Muqdisho ka dhacaya ayaa lagu sheegey qoraalkaan in agu g'aamiyey kulan aan caadi aheyn oo magaalada Kismayo Sept 14, 2015 ku dhexmarey madaxda ugu sareysa Somalia iyo madaxda maamulada ka tirsan dowlada Federaalka. Halkan ka akhri warsaxafdeedkaan

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM