​Gaas oo la kulmay Madax ka socotay UNSOM

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 19 July 2017 madaxtooyada Garowe ku qaabilay Madaxa hay’adda INSO ( international NGO safety Organization) Mr. Marcos Ferreiro ee wadamada Soomaaliya, Kenya, Nigeria, iyo Cameroon iyo Madaxa hay’adda UNSOM xafiiskeeda Dawladda Puntland mr Haward Bell.

Kulankan ay yeesheen Madaxweynaha iyo labadaas masuul ayaa looga hadlay arrimo la xariira hadal kasoo yeeray 06 July 2017 golaha wasiirrada oo ay uga digayeen hay'adaha sameeya wararka been abuurka ah ee ku saabsan Puntland inaysan sii joogi doonin waddanka.

Tallaabadaas ayaa keentay inay Garowe yimaadeen xubnahan islamarkaana dowladda kala hadlaan sababta keentay go'aankaas.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in aanay marnaba dawladda Puntland aqbalayn wax kasta oo wax yeelaynaya sumcadda, sharafta, cisiga iyo karaamada dawladda Puntland iyo shacabkeeda.

Gaas ayaa intaas ku daray in Puntland aysan sii joogi doonin hay'adaha ka shaqaynaya falalka guracan iyo faafinta warar been abuur ah.

Hay'adaha dowladdu dhaliishay ayaa lagu eedeeyay inay sameeyaan tirakoob khaldan oo ay ku raadinayaa lacago, taasoo Puntland sheegtay inay wax u dhimi karto amniga iyo sharafta intaba.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM

Puntland oo Taageero u Muujisay Jubbaland, Digniinna u Dirtay Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland ayaa si adag u dhaleeceeyay in dowladda federaalka ay isku daydo in ay wiiqdo awoodda maamulka Jubbaland.

  • Puntland

    15-06-2025

  • 11:02AM