​Gaas oo la kulmay mas'uuliyiin katirsan hay'ad QM u qaabilsan masiibooyinka

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas, ayaa maanta xarunta madaxtooyada kula kulmay wafdi kasocday hay'ad Qaramada Midoobay u qaabilsan Masiibooyinka oo  lagu magacaabo STAIT.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa ka qayb qaadasha masiibooyinka dabiiciga ah ee ka dhaca dhulka Puntland.

Wafdigan la kulmay madaxweyne Gaas ayaa waxaa hogaaminayay Panos Moumtzis ayaa iyadoo ka mid ahaayeen Stuart Kefford,  Ulrika Blom iyo Cyril Ferrand, oo kamid ah saraakiisha sar sare ee hay'addaasi.

Xubnahan ayaa madaxweyne Gaas, kala hadlay qaabka la isaga kaashan lahaa abaaraha ka jira deegaanada Puntland iyo saamaynta duufaantii El-nino, waxayna ballan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii kaalin laxaad leh howshaasi looga gaysan lahaa.

Madaxweynaha Puntland, ayaa xubnahan ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u doonayaan inay ka taageeraan dhinaca khataraha masiibooyinka, isagoo sheegay inay si la shaqayn doonaan.

Shirka labada dhinac ayaa kusoo beegmay xilli haatan la sugayo xilli robaadka Dayrta, waxaana qaar kamid ah deegaanada Puntland laga dareemayaa abaar iyo biyo la'aan xoog leh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM