Gaas oo la kulmay safiirka Turkiga u qaabilsan Somalia

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha Dawladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 15 April 2017 kulan kula qaatay magaalada Muqdishu Safiirka Turkiga u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Oglan Bakar.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dawladda Puntland Cabdinaasir Biixi Soofe.

Muhiimada Kulankaas ayaa lagu sheegay adkaynta xiriirka labada dhinac, Abaaraha, Amniga , Dhisida ciidan qaran, tababaro ciidan iyo hirgalinta Balanqaadyo dhawr ah oo ay Dawladda Turkigu horay ugu samaysay Puntland.

Cabdiwali Maxamed Cali oo Safiirka warbixin ka siinayay xaaladda abaaraha ee ka jira Puntland, ayaa tilmaamay in xaaladdu aad u adagtahay islamarkaana u baahantahay in wax laga qabto.

Gaas ayaa sidoo kale Turkiga ka codsaday inay deegaanada Puntland ka sameeyaan mashariico hormarineed si loo wanaajiyo xiriirka labada dhinac, isagoo soo hadal qaaday dhismaha ciidan qaran, wuxuuna xukuumadda Ankara ka dalbaday inay door ka qaadato maadama ay kamid tahay dalalka daneeya arrimaha Somalia.

Safiirka Turkiga ee Somalia Mr. Oglan ayaa  ballan qaaday in arrimahaas wax laga qaban doono, wuxuuna carrabka ku dhuftay in dhawaan Puntland usoo diri doonaan guddi soo qiimeeya saamaynta abaartu ku yeelatay degaanada maamulkaas.

Ma aha kulankii ugu horeeyay ee labada mas’uul ku dhexmara magaalada Muqdishu, balse shirkan ayaa kusoo aaday xilli maanta caasumadda Somalia lagu qabtay kulan u dhaxeeya madaxda dowladda Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM

Puntland oo Xaqiijisay in Hoggaamiyaha Daacish uu Ka Baxsaday Buuraha Cal-Miskaad

Wuxuu sheegay in dowladda Puntland ay ka hortagtay halis weyn oo ku wajahnayd Soomaaliya oo dhan.

  • Puntland

    16-06-2025

  • 08:47AM