Gaas oo labo maalin kadib ka dhoofay Galkacyo

Image

GALKACYO, Puntland- Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland, ayaa maanta ka dhoofay magaalada Galkacyo xarunta gobolka Mudug xilli uu joogay labo maalin oo kaliya.

Gaas ayaa u socdaalay Dalka Ethiopia oo dhawaan safar kaga yimid kahor intuusan ka qayb galin shirkii Madaxda Somalida ee ka qabsoomay magaalada Muqdishu.

Lama oga waxa uu salka ku hayo safarkan oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin islamarkaana saxaafadda loo diiday in looga warbixiyo.

Mas'uuliyiin katirsan dowladda ayaa kusii sagootiyay garoonka, waxaana wararka uu helayo Garowe Online sheegayaan  in Madaxweyne Gaas madaarka Cabdullaahi Yuusuf ka dhoofay xilli warbaahintu joogtay.

Gaas ayaa inta badan safarradiisa uga warbixin jiray safarradiisa, balse lama garanayo waxa uu kan kaga duwanyahay.

Madaxweyne Gaas ayaa inta badan booqashooyin kala duwan ku tagay dalkaas isagoo markasta sheega inuu la xariiro hormarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo la dagaallanka Argagixisada.

Balse bixitaankan ayaa yimid xilli xaalad adag ka jirto deegaanada Puntland gaar ahaan abaaraha, wuxuuna baxay xilli uu gobolka Mudug ku sugnaa  48 saac oo kaliya.

Lama oga in safarka Gaas ee  magaalada Addis Ababa uu la xariiro arrimihii looga hadlay shirkii madaxda Somalida ee ka dhacay magaalada Muqdishu kaasoo looga xaajoonayay shirka London iyo xiriirka u dhaxeeya maamullada Somalida iyo dowladda dhexe.

Madaxda maamullada Somalida ayaa inta badan socdaalo kala duwan ku taga waddanka Ethiopia oo qayb ka ah dalalka ciidamadoodu joogaan Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM