Gaas oo madaxtooyada Puntland ugu shiriyey issimo Ra'isal wasaarihii hore Somalia

Image

GAROWE, Puntland-  Madaxweyne Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa issimada Puntland ugu shiriyey xarunta madaxtooyada Garowe Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia Cumar Cabdirashid. 

Kulankaan oo ay kasoo qayb galeen isimada Puntland intooda ku sugan magaalo madaxda Garowe ayaa wararka kasoo baxaya shegayaan in Ra'isal wasaarihii hore ee Somalia ku waydiisanayey odey dhaqameedkaan sidii xildhibanada ay soo xulaan codka u siin lahaayeen mudane Sharmaake oo ah Musharax u taagan xilka madaxweynaha Somalia.

Ra'isal wasarihii hore ee Somalia oo dhowaan booqasho ku yimid Puntland ayaa ololihiisa doorasho ka bilaabey magaalada Garoowe isagoo kulamo kula qaadanyey madaxtooyada Garowe qabaa'ilada Puntland  maalmihii lasoo dhaafey.

Madaxweyne Gaas oo kamid ahaa madaxda maamul goboleed-yada qaybta ka ahaa kulamadii madasha Somalia ayaa waxaa laga sugayaa in dhowaan soo magacaabo xubnaha Barlamanka aqalka sare uga mid noqon lahaa maamulka Puntland.

Magacaabista aqalka sare iyo xulashada in qabaa'ilka lasoo baxaan xubnaha u tartamaya kuraasta aqalka hoose ayaa waxaa ku jira dib u dhac ay ugu talagaleen madaxda maamulada Somalia iyo madaxda dowlada Federaalka waqtigoodii dhamadey. 

Kulankaan madaxweyne Gaas ugu qabtey xarunta madaxtooyada Puntland ayaa sidoo kale imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in madaxda mamaulada Somalia iyo kuwa Federaalka waqtigooda dhamaadey kawada shaqeynayaan sidii faragalin loogu sameyn lahaa natiijada kasoo baxeysa xulushada qabaa'ilka xubnaha u matalaya aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka ah.

Kulamada madasha qaranka oo ay kawada qayb galayeen maamulada Somalia iyo madaxda dowlada Federaalka hadda waqtigoodii dhamaadey islamarkaana ay kor kala socdeen beesha caalamka ayaa waxaan kasoo bixin gabi ahaanba sharciyo xadidaya tartanka doorashada iyadoo la ilaalinayo in madaxda madasha ka qayb galeysay kuwasoo isugu jirey kuwo musharaxiin ah iyo kuwa dano siyaasadeed leh aysan u saameyn xadgudub iyo ku takri-falid awoodeed.

AKHRIMusuq-maasuq hareeyey xulashada xildhibaanada Barlamanka cusub ee Somalia 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM