Gaas oo magacaabay afhayeenka Gollaha Iskaashiga maamuladda

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, ahna Gudoomiyaha Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedka Soomaaliya ayaa u magacaabey Cabdullaahi Sheekh Aadan, Afhayeenka Madasha, sida ku cad digreeto ku taariikheysan 11-ka bisha October 2018.

Sida laga soo xigtay qoraalka oo nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online, magacaabistaan waxay ka dambeysay markii ay maamuladu arkeen baahida ay u qabaan inay yeeshaan afhayeen, maadaama mar-xalad xasaasi ah uu dalka ku jiro.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Gaas uu kala tashtey madaxda kale magacaabista mas'uulkaan cusub, kaasoo la sheegay inuu ka shaqayn doono danaha dowladaha xubinta ka ah Federaalka Soomaaliya, uuna afkooda ku hadli doono.

Geesta kale, magacaabista Afhayeenka ayaa kusoo aadaysa xili khilaaf siyaasadeed oo u dhaxeeya dowlada Federaalka iyo maamuladda uu gaarey heerkii ugu sareeyay oo dhowaan dalka Kenya ay hogaamiyayaasha kula soo kulmeen Beesha Caalamka.

Villa Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay inay faragelin toos ah ku hayso arrimahooda hoose ee maamullada, inay ku fashilantay fulinta qodobo ay isla meel-dhigeen oo ay ugu horeyso amniga, Dastuurka iyo Wadaaga Kheyraad.

Machadka Heritage oo warbixin kasoo saarey murankaan siyaasadeed ayaa ku baaqay in Aqalka Sare lagu xushmeeyo waan-waanta Aqalka Sare ee ka dhex-wado dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Gollaha Iskaashiga maamul goboleedka oo lagu aas-aasey bishii October ee 2017 shir ay ku yeesheen magaalada Kismaayo ayaa tan iyo xiligaasi waxa uusan lahayn Afhayeen, islamarkaana dhawaan la filayo in shirkooda 4aad uga furmo Garoowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM