Gaas oo magacaabey wasiir cusub xili maamul xumo lagu eedeeyay

Image

GAROOWE, Puntland - Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa wasiir cusub uu umagacaabey Wasaaradda Degaanka iyo Isbedalka Cilimadda, taasoo masuulkii madaxda ka ahaa uu shaqada ka tegay maanta oo Sabti ah.

Wasiirka is-casilay oo lagu magacaabo Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegay inuu shaqada isaga tegay kadib markii faragelin lagu sameeyay shaqada wasiiradiisa iyo maamul xumo.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Cabdiweli Gaas ayaa Saleebaan Xaaji Cabdulle Sandheere loogu magacaabay inuu noqdo wasiirka cusub ee Wasaaradda, kaasoo shaqada sii wadi doona.

Is-casilaadda Warsame ayaa kusoo aadeysa xili dhowaan Hay'adda Jarmalka laga leeyahay ay sababo musuq-maasuq u joojisey mashruuc dhul lagu dhisayey oo shacabka Puntland muhiim u ahaa.

Magacaabista Gaas uu sameeyey ayaa imaaneysa xilli bilooyin ay uga harsan tahay muda xileedkiisa 5-ta sano ee uu xafiiska ku joogey, xili shaki uu ku jiro hadii uu dib dambe isku soo sharixi doono 2019.

 - WAR-SAXAAFADEEDKA -

Xeer Madaxweyne Lr.131 Sep 22, 2018, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadlka Cimilada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa shaqo

Markuu la Tashaday: Madxaweyne ku xigeenka Dowladda Puntland

Wuxuu Xeeriyey:

1.Waxaa Saleebaan Xaaji Cabdalle Sardheeye loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka Cimilada

2.Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu.

-DHAMMAAD-

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM