Gaas oo Puntland ka ambabaxay xilli ciidamo gadoodsan jiraan

Image

BOSSASO, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa maanta ka dhoofey garoonka diyaardaha magalaada Bossaso isagoo ku sii jeeda dalka Ethiopia.

Safarkaan ayaa Madaxweynaha Puntland ayaa wararku sheegayaan inuu ku tagayo wadanka Ethiopia iyo Imiraadka Carabta.

Safarka Madaxweynaha Gaas ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ka jirto gadood ciidamada daraawiishta ah kuwasoo ka cabanaya mushahar la'aan soo jiitameysay muddo.

Lama oga safarka Madaxweynaha Puntland iyo waxaa uu ka badalayo xalaada amni darada ah iyo abaaraha haysta shacabka Puntland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM