Gaas oo qorsheynaya In xilalka ka qaado maa’uuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland ayaa qorsheynaya in uu xil-qaadis ku sameeyo xubno isugu jira Wasiir, Taliye-yaal, gudoomiye gobol iyo degmo kuwasoo dhowaan qoraal ay soo saareen ku sheegey in shaqadii ka joojiyeen Taliyaha Qaybta gobolka Barri.

Shaqo ka fariisinta ay ku sameeyeen, xubnahan oo ka koobnaa guddiga Nabad galyada gobolka Barri, Taliyaha qaybta Cabdixakiim Xuseen Yuusuf ayaa waxaa diidey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas isagoo u arkey mid ay uga danleeyihiin siyaasad mamaulkiisa lagu majaxaabinayo.

Taliyaha qaybta gobolka Barri oo isu beel hoose yihiin Madaxweynaha Puntland ayaa salka ku haysa xil gudasho la’aan,  takri-falid awoodeed iyo wado shaqeyn la’aan madaxda ka sareysa.

Wararka aan ka heleyno qorshaha xil-ka-qaadista ayaa sheegaya in Madaxweyne Gaas  damacsan yahay marka hore inuu ka qaado shaqada Wasiirka dekadaha, Gudoomiyaha gobolka iyo Degmada kuwasoo uu aaminsan yahay iney bilaabeen qorshaha shaqada looga fariisanayo Cabdixakiim Xuseen Yuusuf.

Waxaan horey u fiicneyn xiriirka u dhexeeya madaxda sare ee Dowlada iyo Wasiirka Dekadaha Puntland tan iyo intii la saxiixey heshiiskii shirkadda P&O kasoo dekada Boosaaso lagu wareejiyey.

Dhinaca kale Gudoomiyaha degmada Boosaaso ayaa xilka laga qaadi karaa iyadoo golaha degmada la kala diro ama ay ka keenaan mooshin xilka looga qaadayo.

Shacabka Magaalada Boosaaso ayaa dhumiyay kalsoonida ay ku qabeen xukuumada Madaxweyne Gaas iyadoo waqtiyadii ugu dambeysay la kulmaysay qaraxyo iyo weeraro kaga imaanaya kooxaha argagixisada ah ee ku dhuumaleysta buuraleyda gobolka Barri.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM