Gaas oo shacabka Burtinle kala hadlay bixinta Canshuurta [Dhagayso]

Image

27 Octobar, 2015(GO)-Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la hadlay shacabka magalada Burtinle gobolka Nugal xilli uu ku sii jeeday degmada Galkacyo.

Madaxweynaha ayaa shacabka degmadaasi ku ammaanay hormarka ay wadaan, waxaana uga mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay.

"Maamul cusub baa doorateen, waxaan rajaynayaa waagaa cusub, maamulka cusub, nidaamkaa cusub iyo Burtinle cusub, oo Burtinladii hore aan ahayn, inay isla jaanqaadaan ayaan doonaynaa, waxaa laga guurayaa Burtinladii hore, Burtinladii hore waxay ahayd Burtinle aan canshuurta bixin, Burtinle 450 xirmood leh oo xoolihii meel ay daaqaan waayeen, Burtinle aan jid lahayn, waxaan u gudbaynaa Burtinle cusub" Ayuu yiri Madaxweyne Gaas

Gaas ayaa ku dheeraaday muhiimadda leedahay in la bixiyo Canshuurta, wuxuuna xusay shacabku inay la yimaadaan isbadal  buuxa,taasina imaanayso markii canshuurta sidii la rabay loo bixiyo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Xukuumadiisu diyaar u tahay qaabkii loo taageeri lahaa maamulka cusub ee dhawaan degmadu yeelatay, isagoo sheegay inay muhiim tahay qaabkii loo wadatashan lahaa.

Khudbadda uu shacabka Burtinle u jeediyay ayaa inteeda badan wuxuu diiradda ku saaray Canshuurta, faa'iidadeeda iyo qaabkii loo bixin lahaa.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM