Gaas oo u dhoofaya Muqdisho kana qayb geleya shirka wada-tashiga

Image

Sep 18, 2015 (GO)- Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa berri oo Sabti ah ku wajahan magaalada Muqdisho si uu uga qayb galo shirka wada-tashiga ee dhex mari doona madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxda dowladaha qaybta ka ah federaalka (Puntland, Jubaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug).

Ila-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u xaqiijiyey in Madaxweynaha oo ay weheliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xildhibaano uu maalinta berri ah ka dhoofi doono magaalada Galkacayo ee xarunta gobolka Mudug.

Shirka oo qurshuhu yahay inuu furmo maalinta Axadda ee taariikhdu ku beegan tahay Sep 20, 205, waxaa diiradda lagu saari doonaa Higsiga 2016 iyo hannaanka ay ku dhici doonto doorashada madaxtinimada ee soo aaddan.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli madaxweynaha Puntland kulamo la qaatey qaybo kala duwan ee bulshada iyo Barlamanka kuwasoo ka raaridayey ka qayb galka kulankaan.

Beesha caalamka ayaa kulankaan culys ku saareysa madaxda Somalida iney go'aan ka gaaraan qaababka loo qaban karo doorashada madaxweynaha dowlada Federaalka ee la filayo iney dhacdo 2015.

Sept 28,2015 ayaa la filayaa in magaalada New York ka dhaco kulan uu gudoominayo xoghayaha QM kasoo lagaga hadli dooono arrimaha Somalia iyo 2016.

GAROWE ONLINE​

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM