Gaas oo xildhibaanada Puntland ugu yeeray Bosaso

Image

BOSASO: Xubno ka tirsan gudoonka Barlamanka Puntland iyo xildhibaano ayaa wararka warsidaha Garowe Online helayo sheegayaan in madaxweynaha Puntland ugu yeeray magaalada Bosaso.

Wararka ku xeeran safarkaan ayaa sheegaya in sababta loogu yeeray xildhibaandaan tahay inuu madaxweyne Gaas kala tashado arrimihii uu kala soo kulmey magaalada Muqdishu iyo sida laga yeelayo diidamada Puntland go'aankii dowlada Federaalka ee qaabka doorasho ee Somalia.

Madaxweynaha Puntland oo maalmaha soo socda kusoo wajahan magaalada Garowe halkaas ayaa kulamo la yeelanaya wafti Ra'isal wasaaraha Somalia uu hogaaminayo kuwasoo kamid yihiin xubno ka socda beesha caalamka.

Dhinaca kale kulamada madaxweynaha Puntland iyo xildhibanada ayaa wararku sheegayaan iney diirada saarayaan sidii laga yeeli lahaa qorshaha siyaasdeed ee Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid ee ah in Puntland ogoleysiiyo nidamka 4.5.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas ayaa warsaxafdeed uu ku qabtey garoonka Bosaso markii uu kasoo noqdey Muqdishu aan xusin in wafti Ra'isal wasaare Sharmaake iyo beesha caalmaka ku soo wajahan yihiin Puntland.

Madaxweynaha Jubaland ayaa shaaciyey markii uu ka dagey garoonka diyaardaha magaalada Kismayo in madaxda Somalida guuldareysteen islamarkaana dowlada Federalka iyo beesha caalamka shacabka Jubooyinka ka raaridayaan in nidaamka 4.5 lagu galo doorashayoonka soo socda madaama beesha caalamka ku khasabtey in la qaato go'aankaas.

Mud. Gaas ayaa sheegey in shacabka Puntland talo kula soo noqdey madaama horey u dalbadeen in nidaamka 4.5 aan lagu soo xuli karin xildhibaanada cusub ee Barlamanka Federaalka Somalia ee sanadkaan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM