Gaas oo xilkii ka qaaday Agaasimahii hay’adda PAC

Image

GAROWE, Puntland- Wareegto kasoo baxday xafiika Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii hay’adda la dagaallanka Aids-ka (PAC), Cabdiraxmaan Siciid Dhagaweyne.

Digreetada xilka ka qaadista ayaa booskaa loogu magacaabay mas’uul kale oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Maxamed Axmed.

Lama oga sababta xilka looga qaaday Dhagaweyne oo booskan joogay ilaa xukuumaddii Cabdiraxmaan Farole.

Digreetadan ayaa qayb ka ahayd kuwo kale oo xilal loogu magacabay shakhsiyaad kale oo ka agdhow xafiiska Madaxweyne Gaas.

Waxaa kamid ah nin lagu magacaabo Cabdirasaaq Gosol oo kamid ah Qurba joogta Puntland oo loo magacaabay wakaaladda Wararka Puntland.

Horay deegaanada Puntland ugama jirin Wakaalad warar oo ay dowladdu leedahay.

Lama oga sababta xilkan aan jirin loo  magacaabay.

Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo markii uu xilka qabtay soo kordhiyay hay’ado iyo xilal aan horay uga jirin Puntland, kuwaasoo inta badan u dhiibay shakhsiyaad qurba joog ah.

Halkan ka akhriso xeerka lagu magacaabay Agaasimaha PAC oo nuqul kamid ah soo gaaray GO;

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray digreeto xeer Madaxweyne Lr.49, kuna saabsan magcaabis Agaasimaha Guud ee Hay’adda Ladagaalanka AIDS Puntland (PAC).

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay:             Dastuurka Dawladda Puntland.                                            

Markuu tixgeliyey.      Aqoontiisa iyo khibradiisa shaqo 

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Cabdiqaadir Maxamed Axmed loo magcaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda    

     Ladagaalanka AIDS Puntland (PAC).

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay  Madaxweynuhu.

GAROWEONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM