​Gaas oo xilkii ka qaaday wasiirka Dekadaha Puntland iyo mas'uul lasoo magacaabay

Image

GAROWE, Puntland- Wararka warsidaha Garowe online ka helayo ilo ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in wareegto Madaxweynaha Puntland soo saarey caawa xilka kaga qaadey wasiirkiisa dekadaha Cabdulahi Jamac Salax.

Isla qoraalkaan kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa xilkaan loogu magacaabey Siciid Maxamad Raage oo horey xilkaan u hayey waqtigii Puntland ka arimineysay dowladii Cabdiraxman Maxamad Farole. 

Wararka ayaa sheegaya in magacabistaan aheyd mid kaliya balse aysan wehelin xubno kale oo xilal loo magacaabey. 

Siciid Maxamad Raage oo xilkaan marar kale duwan kasoo shaqeeyey ayaa ah sidoo kale siyaasi awood ku leh gobolka Barri. 

Xilka qaadista wasiirkii hore ee dekada Puntland ayaa imaaneysa xilli xukuumada Madaxweyne Gaas ku guuldareysatey in hirgaliso Mashruuc ay sheegtey in dekada Bosaso lagu balaarinayo kasoo heshiis kula gashey Ganacsade Falstiini ah oo degan wadanka Imaradaka Carabta. 

Wasiirka xilka laga qaadey Cabdulahi Jamac Salax ayaa kamid ahaa xubnihii aadka ugu ololeynay in Mashruuca lagu balaarinayo dekada Bosaso heshiiskaan lagula galo Ninkaan Falastiiniga ah. 

Magacabista Madaxweyne Gaas ayaa imaaneysa xilli la sugayey in la sameeyo isku shaandheyn balaaran madama inta badan wasaaraha Puntland noqdeen kuwo fadhiid ah. 

Dhowaan ayaa waxaa iska casiley xilalkoodii wasiiro ka tirsan xukuumada Madaxweyne Gaas kuwasoo la sheegey iney waayeen adeegyadii ay ku socodsiin lahaayeen howl-maalmeedka wasaaradihii ay madaxda ka ahaayeen. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM