Gadood ka dhacay xarunta dowladda hoose Galkacyo

Image

GALKACYO- Ciidamada iyo shaqaalaha dowladda hoose degmada Galkacyo, ayaa maanta gadooday kadib markii ay waayeen xuquuqdoodii muddooyinkii u dambeeyay, waxana la wareegeen xafiisyadii lagu shaqayn jiray, sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah golaha deegaanka degmadaasi.

Gadoodkan, ayaa yimid kadib markii maamulka dowladda hoose ee Galkacyo aysan bilooyinkii dambe bixin wax mushahaar ah islamarkaana lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo wax isdaba marin.

Xildhibaan Maxamud Jibriil oo kamid ah golaha deegaanka Galkacyo, ayaa Radio Garowe, u sheegay in arrintani taagnayd muddo dheer islamarkaana aysan jirin xuquuq la siiyo shaqaalaa xaruntaasi, wuxuuna intaasi raaciyay in dakhliga degmada loo maamulay siyaabo khaldan.

Maamulka degmada ayuu sheegay inay kula xisaabtameen Kalfadhigoodi u dambeeyay, waxaana taasi ku cadaadtey in lacag badan la dhunsaday.

Hay'adaha ku shaqada leh wax ka qabashada musuqa iyo wax kaqabashada dowladda hoose ee Galkacyo, ayuu Xildhibaan Maxamed Jibriil sheegay inay waqti hore u gudbiyeen qaabkii howshan wax looga qabn lahaa, balse aysan wali wax tallaabo ah qaadin. HALKAN KA DHAGAYSO

Eedahan iyo gadoodka Shaqaalaha, ayaa waxaa ka hadlay guddoomiyaha degmada Galkacyo Cabdicasiis Jamac Nugal, wuxuuna sheegay inaysan jirin shaqaale gadooday, balse ciidamo yar ay cowdeen arrintooda la xalliyay.

Nugal, oo la hadlay Radio Garowe, ayaa  meesha ka saaray inay jiro musuq maasuq isagoo Xildhibaanada golaha deegaanka qaybtood ku dhaliilay kuwo kasoo bixi waayay mas'uuliyadooda.

Waxaa sidoo kale wax laga weydiiyay sababta ay usoo noq noqdeen cabshada shaqaalaha iyo eedaha la xiriira musuqa, balse arrintaasi gaashaanka ayuu ku dhuftay isagoo sheegay inay ka madax bannaanyihiin dhaliil.

April 19, 2014, ayay ahayd markii magalada Galkacyo lagu doortay Cabdicasiis Jamac Nugal xilli madaxweyne Gaas uu halkaasi ku sugnaa isagoo sheegey inuu xaliyey dhibaatooyin xukuumadihii ka horeeyey ka tageen, laakiin wixii intaasi ka dambeeyay waxaan soo badanayay khilaafaadka joogtada ah ee ka dhextaagan golaha deegaanka degmadaas iyo guud ahaan gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM