GALKACYO: Nabadoon isku day dil ka bad-baaday

Image

GALKACYO, Puntland- Labo dhalinyaro ah ayaa Magaalada Gaalkacyo xarunta gobolka Mudug ku weeraray Nabadoon Xaaji Cariish oo ka tirsan waxgaradka gobolka sidoo kale ahaa sarkaal ciidan oo Puntland iyo dowladdi dhexe ee Milateriga lasoo shaqeeyay.

Nabadoonka ayaa lagu weeraray xaafadda Israac wax yar ka hor salaaddii Maqrib.

Dhaawac sahlan ayaa kasoo gaaray Nabadoon Cariish, waxaana wararku sheegayaan in Madaxa iyo Gacan kaga dhaceen xabado dhowr ah.

Labo qof ayaa werarkaas gaystay kuwaasoo u baxsaday dhinaca Koonfureed ee magaalada Galkacyo.

Dadkii ka agdhawaa goobta lagu weeraary nabadoonka ayaa isku dayay inay qabtaa dambiilayaashaas, balse waxay isaga reebeen sida dad goob joogayaal ah xuseen xabado iyo bambaanooyin.

Cariish ayaa xaaladiisu wanaagsantahay, kadib markii qaliin lagu sameeyay.

Majirto wax war ah oo ilaa hadda kasoo baxay maamulka gobolka Mudug.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM