Ganacsade lagu dilay magaalada Bosaso

Image

BOSASO, Puntland- Kooxo hubaysan ayaa xalay magaalada Bosaso xarunta gobolka Bari ku dishay nin kamid ahaa ganacsatada yar yar.

Dilka ninkan ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee dowladda hoose ee magaalada Bosaso.

Kooxihii dilka gaystay oo aan ilaa hadda tiradooda la aqoon ayaa goobta ka fakaday.

Waxay ku hubaysnaayeen Bastoolado kuwaasoo goobta ka fakaday dilka kadib.

Majirto wax war ah oo ilaa hada kasoo baxay laamaha ammaanka gobolka Bari.

Ganacsadaha la dlay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Faarax.

Lama oga sababta loo dilay, balse kiiskan ayaa qayb ka ah kuwo ka dhacayay magaalada Bosaso muddooyinkii dambe.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda dilka ninkaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM