​Ganacsade Garowe ka hirgaliyay xarun casri ah [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa xalay xarigga ka jaray xarun loo qaabeeyay qaab casri ah oo magaalada Garowe ka hirgaliyeen ganacsato reer Puntland ah.

Xaruntan oo lagu magacaabo Target Center, ayaa waxaa ka koobantahay dhowr qaybood isugu jira; Goob lagu iibiyo waxyaabaha Electiroga ah sida Mobilada, Computerada, goob maqaayada ah oo laga helayo adeegyo kala duwan iyo qaybta hooyada iyo dhallaanka oo la keenay agab carrunta lagu cayaarsiiyo.

Mulkiilaha xaruntaas Farxaan Cali Ciiro, ayaa madasha daahfurka ka sheegay in qorshahaasi socday muddo kabadan sannad, isagoo tilmaamay in ujeedkoodu yahay sidii bulshada caasumadda loo gaarsiin lahaa adeeg dhammaystiran.

Ganacsatada ayuu ugu baaqay inay u istaagaan sidii ay waddanka u maalgashan lahaayeen islamarkaana u keeni lahaayeen edeegyada dadka u baahanyihiin.

Madaxweyne ku-xigeenka dowaladda Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa dhankiisa xusay in dowladdu soo dhawaynayso ganacsiyada cusub ee soo kordhaya, wuxuuna intaas ku daray inay kor u qaadayaan dhaqaalaha waddanka.

Daahfur Target Center, waxaa kasoo qayb galay Xildhibaano, agaasimayaal, maamulka gobolka iyo kan degmada Garowe iyadoo sidoo kale joogeen bulshada caasumadda qaybahooda kala duwan.

Furitaanka xaruntan ayaa imaanaysa xilli muddooyinka dambe magaalada Garowe ku tilaabsanaysay hormar dhinaca ganacsiga ah, waxaana laga hirgaliyay xarumo badan oo ay furteen dad isugu jira qurba joog iyo dal joog.

GAROWEONLINE

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM