Garaad Ciid oo ka hadlay khilaafka masuuliyiinta DFS

Image

October 30, 2014 (GO)- Afhayeenka Isimadda Puntland Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa sheegay inuu gardaro wado madaxwaynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Shiikh Maxamuud.

Ciid ayaa sheegay sharci inuu u lee yahay wasiirka koowaad ee Somalia inuu isku shaadheyn ku sameeyay gollihiisa wasiiradda maadama uu masuul ka yahay howlaha gollaha fulinta,dastuurka dalkuna uu awood u siinayo.

''Madaxwaynuhu intuu war saxaafadeed soo saaro inuu yiraahdo waxba kama jiraan af madaxwayne ma ahan, waa afsuuqi, marka isagaa gardaran wixii xal iyo xurmo ah waa gaarkeeda, balse arrintaasi sidaa ah isagaa ku garsadan'' Cadilaahi Cali Ciid ayaa sidaasi yiri xili uu waraysi siinayay Radio Garowe.

Garaad Cabdilaahi Cali Ciid ayaa sheegay khilaafka inta badan ka dhex bilowda masuuliyiinta ugu saraysa dowladda Federaalka inuu salka ku hayo qabyaalad iyo nin jeclaysi.

''Khilaafkooda inta badan soo noqda wax sharciyad ku fadhiya ma ahan, waa qabyaalad iyo nin jeclaysi iyo kooxo kooxeyn, mana ahayn mid dadka,dalka iyo dowladnimadda dani ugu jirtaa ma ahan, laakiin arrinta caynkaas ah oo sharci la isku qabto waxaa lagu kala saaraa maxkamadda Dastuuriga ah mana jirto''.

Khilaafka madaxwaynaha iyo Ra'iisul Wasaraha ayaa sii xoogaystay ka dib markii Cabdiwali Shiikh Axmed uu isku shaadheyn ku sameeyay qaar ka mid ah gollaha wasiiradda iyadoona uu waxba kama jiraan ku tilmaamay Xasan Shiikh Maxamuud.

Docda kale wasiirka Arrimaha dibadda Somalia Cabdiraxmaan Beyle Ducaale ayaa sheegay khilaafka Villa Somalia ka taagan inuu dhaawac ku yahay dadaaladda iyo hormarka dalka ka socda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM