Garaad Jaamac oo ka horyimid go’aankii isimmada SSC-Khaatumo

Image
Isimmada waday waanwaanta ayaa go'aano ka soo saaray khilaadka siyaasadeed.

GAROWE, Soomaaliya - Isimmada SSC-Khaatumo ayaa maanta soo saaray war saxaafadeed ay kaga hadlayaan natiijada waanwaantii la doonayay in la isugu soo dhaweeyo mucaaradka iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka jawaabay go’aamada ka soo baxay qaar ka mid ah Isimmada SSC-Khaatumo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inuusan ahayn go’aan la isku raacsan yahay, isagoo muujiyay inuu ka xun yahay tallaabadan.

“Waxaan xaqiijineynaa in SSC-Khaatumo ay weli diyaar u tahay inay dhex dhexaadiso oo ay la fariisato dhinacyada ay khuseyso, go’aamadii la soo saarayna ma aha kuwo ka turjumaya danaha Puntland iyo SSC-Khaatumo.” ayuu yiri Garaadka.

Garaad Jaamac ayaa xaqiijiyey in shaqada loo diray Isimmada waday waanwaanta ay tahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha ka aloosan Puntland, ka dibna ay dib ugu soo laabtaan Laascaanood si wadatashi looga yeesho.

Wuxuu sheegay in go’aamadii ay soo saareen Isimmada SSC-Khaatumo ay ahaayeen kuwoo hal dhinac ah.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda Puntland inay nabadda qaataan oo aysan qaadin wadadii colaadeed, ayna ka war sugaan dadaallada ay wadaan hoggaanka Isimmada SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM