Garaad Jaamac oo ka horyimid go’aankii isimmada SSC-Khaatumo

Image
Isimmada waday waanwaanta ayaa go'aano ka soo saaray khilaadka siyaasadeed.

GAROWE, Soomaaliya - Isimmada SSC-Khaatumo ayaa maanta soo saaray war saxaafadeed ay kaga hadlayaan natiijada waanwaantii la doonayay in la isugu soo dhaweeyo mucaaradka iyo madaxweynaha xilka kasii dagaya ee Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni.

Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ka jawaabay go’aamada ka soo baxay qaar ka mid ah Isimmada SSC-Khaatumo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay inuusan ahayn go’aan la isku raacsan yahay, isagoo muujiyay inuu ka xun yahay tallaabadan.

“Waxaan xaqiijineynaa in SSC-Khaatumo ay weli diyaar u tahay inay dhex dhexaadiso oo ay la fariisato dhinacyada ay khuseyso, go’aamadii la soo saarayna ma aha kuwo ka turjumaya danaha Puntland iyo SSC-Khaatumo.” ayuu yiri Garaadka.

Garaad Jaamac ayaa xaqiijiyey in shaqada loo diray Isimmada waday waanwaanta ay tahay sidii looga hortagi lahaa colaadaha ka aloosan Puntland, ka dibna ay dib ugu soo laabtaan Laascaanood si wadatashi looga yeesho.

Wuxuu sheegay in go’aamadii ay soo saareen Isimmada SSC-Khaatumo ay ahaayeen kuwoo hal dhinac ah.

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay dhinacyada isku haya siyaasadda Puntland inay nabadda qaataan oo aysan qaadin wadadii colaadeed, ayna ka war sugaan dadaallada ay wadaan hoggaanka Isimmada SSC-Khaatumo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM