Garoon casri ah oo magalada Garowe laga hirgaliyay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

November 5, 2014 (GO)- Magalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa laga hirgaliyay markii labaad garoon qaab casri ah u dhisan oo lagu ciyaaro kubadda cagta iyo tan gacanta.

Garoonkan ayaa lagu magacaabaa Classic Stadium & Fitness Center waxana hirgaliyay Axmed Jaamac Jowle oo ka mid ah ganacsatadda Puntland.

Furitaanka xaruntan waxaa kasoo qayb galay madaxwayne ku xigeenka Puntland, Afhayeenka Baarlamaanka, wasiiro iyo xildhibaano, waxana xariga ka jaray Eng.Cabdixakiin Cabdilaahi Camay.

Mulkiilaha xaruntan Axmed Jowle ayaa sheegay xaruntan inay ka kooban tahay saddex qaybood oo kala ah kubadda cagta, tan gacanta iyo xarun lagu jimicsado oo uu ku dhan yahay qalabkii.

Waxa uu Jowle tilmaamay barnaamijkan inuu qayb ka yahay hormarinta Sports-ka Puntland iyo dhiirigalinta xirfad-leyda ciyaar toyda ah, wuxuna ugu baaqay dhalinyaradda inay ka faa'iidaystaan.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa boggaadiyay Axmed Jowle iyo kooxdiisa sida wanaagsan ee ay go'an tahay hormarinta caasumadda, ganacsatadda kale ayuu ugu baaqay inay ku daydaan tilaabadda uu Axmed Jowle qaaday.

In ka badan 80-kun oo doolar ayaa gashay dhismaha iyo qalabeynta xaruntan, waana tii labaad oo laga hirgaliyo magalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM

Madaxweyne Deni oo ku dhawaaqay in Daacish looga adkaadey Dagaalka Calmiskaad

Si kastaba ha ahaatee, ilo maxalli ah ayaa sheegay in dagaalyahannadu weli ku dhuumaalaynayaan deegaanka.

  • Puntland

    25-10-2025

  • 01:36PM