Garoonka Diyaaradaha Gaalkacyo oo shaqaynaya

Image
Image
Image

Sept 27, 2014 (GO)-  Howlaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa maanta si caadi ah u socda sida uu GO u xaqiijiyay gudoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacayo

Yacquub Maxamed Cabdalle ayaa sheegay tan iyo saaka garoonka ay kasoo dageen ilaa afar diyaaradood oo rakaab qaaday islamarkasna kuwo cusub dajiyay, wuxuuna intaas raaciyey in ammaanka garoonka ay adkeeyeen ciidanka Dowladda Puntland.

''Waxan  ku xaqijinaya  diyaaradii  afaraad  ayaa  hadda  ka duushayy  kana soo  dagtay  garoonka amaankiisu  waa boqol  kiiba  boqol...shacabka  koonfurta  Mudug   markay  garoonka  Galkacyo  ka duulayaan  xag  rabbi  iyo  xag  aadane  ama calami  annaga  ayaa  ka masuul ah  amaankooda  xitaa Cabdi  Qaybdid  haddu  ka duulayo  amaankiisa  annaga  ka masaula '' Ku-xigeenka duqa Gaalkacayo ayaa yiri

Shir jaraa'id ayuu ku qabtay Wasiirka Duulista Hawada Xasan Cadde Garoonka Cabdilaahi Yuusuf wuxuna sheegay inaysan jirin wax dhibaato ah, howluhuna ay si wanaagsan u socdaan.

Shalay ayey ahayd markii Madaxweynaha Galmudug oo goob fagaare ah kula hadlayey boqollaal dad ah uu sheegay in Galmudug ay talaabo ka qaadi doonto diyaaradaha kasoo dega garoonka Gaalkacayo, hadalkaasoo ay Puntland ku tilmaantay mid layska yiri wax saamyn ahna aan reebi doonin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni: Dalal Shisheeye ayaa doonaya inay Burcad-badeednimada u Adeegsanaya Boobka Khayraadka Puntland

Deni ayaa sidoo kale xusay hawlgalladii hore ee ciidamada badda ee dalalka shisheeye ay ka fuliyeen xeebaha Soomaaliya.

  • Puntland

    31-08-2026

  • 06:09AM

Dhulgariir cabbirkiisu yahay 6.0 oo ka dhacay xeebaha Puntland

Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dadka dhulka ku nool aysan dareemin gariirka, sababo la xiriira fogaanta uu dhulgariirku ka dhacay.

  • Puntland

    30-08-2026

  • 11:53AM