Garoonka Garoowe oo loo baxshay General Maxamed Abshir [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland- Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Puntland, ayaa si wadajir ah u daah furay Garoonka Diyaaradaha magaalada Garoowe oo loo baxshay, General Maxamed Abshir.

Maxamed Abshir oo sannadkii hore geeriyooday ayaa noqday taliyihii ugu horeeyay ee ciidamada Booliiska Soomaaliyeed, kaasoo lagu xasuusto dhismaha ciidankaas, doorkii uu ku lahaa nabadaynta iyo dowladnimada waddanka.

Xafladda Daah furka ayaa hadda ka socotay isla garoonka dhexdiisa, waxaana ku sugan wufuud ka socota dalalka Ethoipia iyo Jabuuti.

Shirkadda dhisay garoonka oo ah mid laga leeyahay dalka Turkiga ayaa sheegtay in garoonkan dhismihiisa guul laga gaaray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Puntland oo baaraysa gacmo shisheeye oo lala xiriirinayo kororka burcad-badeedda

Puntland waxay sheegtay in duqeymaha noocaas ahi ay dhaawici karaan iskaashiga…

  • Puntland

    21-08-2026

  • 07:55PM

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM