​GAROWE- 50 codsadayaal shaqo imtixaan u fariistay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Hay’ada Shaqalaha Rayidka ah ee Dowladda Puntland (Puntland Civil Service Commission) ayaa qaaday imtixaankii Madaxqaybeedyadaiibka(Procurement Head Units) ee Hay’ada iyo Wasaaradaha ka faa’iidaysanaya mashruca tayeeynta iyo shaqaalaysiinta qaybo ka mid ah hay’adaha Dowladda, mashruucaas oo uu maalgelintiisa bixiyey Bangigu addunka, ayna fulinayso Dowladda Puntland.

Dadka laga qaaday imtixaanka ee u tartamayay shaqooyinka bannaan ayaa ah dadu badan dhalinyaro aqoonyahay ah oo wax ku bartay jaamacadaha dalka iyo dibadaba, waxaana lagu kala xulayaa natiijada uu qof waliba ka keeno imtixaanka maanta laqaaday.

Munaasabada lagu daahfuray imtixaanka laga qaaday dadka shaqooyinka soo codsaday ayaa waxa goob joog ka ahaa dhammaan laamaha Dowladda Puntland ee u xilsaaran imtixaan qaadista.

Guddoomiyaha Hay’ada Shaqaalaha Rayidka Mudane Mustafe Said Shabac oo daah furay imtixaanka ayaa sheegay in shaqooyinka  ka bannaan Dowladda ee tartanka loogu jiro ay yihiin 9 boos, kuwaas oo uu sheegay inay imtixaam u galayaan 60 qof.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqooyinkan ay hore ugu soo bandhigeen bulshada, si buu yiri dadku ugu wada faa’iidaystaan.Waxa uu intaasi si raaciyey in  tartanka caynkan ahi uu la mid yahay tartamadii aqoonta ku dhisnaa.

Imtixaankani wuxuu qayb ka yahay balanqaadkii Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee ahaa in shaqooyinka dawladda soo dhajiso,dadku u sinaan doonaan loona galidoona imtixaam furan oo u dhaca si hufnaan iyo sinnaan ah.

Maaha markii ugu horaysay ee imtixaan laga qaado shaqaale codsaday boosaskii dhawaan la xayaysiiyay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Deni oo eedeyn culus u jeediyay Xasan Sheekh, kana hadlay xayiraadda Xildhibaanada

Hadalka Deni ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland..

  • Puntland

    02-03-2026

  • 08:58AM

Wasiir Axmed Maclin Fiqi oo jawaab ka helay Puntland

Khilaafkan ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadaallo lagu doonayay in lagu xalliyo murannada ka taagan hannaanka doorashooyinka.

  • Puntland

    01-02-2026

  • 12:41PM