Garowe: ammaanka gobolka Nugaal oo laga shirey

Image

February 11, 2015 (GO)- Magaalada Garowe waxaa lagu qabtay shir looga hadlay amaanka iyo horumarinta gobolka Nugaal. Shirka oo gogoshiisa maamulka gobolku dhigey, waxaa kasoo qayb galay isimmo, nabadoono, aqoonyahan iyo culimaa'uddiin.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cabdulaahi Ciise Aw-axmed oo ugu horayn ka hadlay furitaankii shirka, wuxuu sheegay in ujeedada loo soo qaban qaabiyey tahay sidii laysaga kashan lahaa xoojinta nabadgelyada islamarkaana isimada iyo waxgaradku arintaas taladooda ugu biirin lahaayeen.

Xildhibaan Maxmed Faarax Nuur oo intaas kadib hadalka qaatey ayaa isna sheegay in shacabka iyo dawladaba sugidda ammaanka mas'uuliyadi ka saaran tahay ayna soo dhawaynayaan shirarka caynkan ah ee uu maamulku qabanayo.

Qaar kamid ah nabadoonada gobolka oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa walaac ka muujiyey mushahar la'aanta shaqaalaha iyo shaqo joojintii dhowaan shaqaalaha hay'adaha garsoorku sameeyeen.

Nabadoonadu waxay sheegeen in ay khasab tahay shaqaalaha dowladu inay mushaharaadkooda helaan gaar ahaan ciidamada ammaanka, maadaama haddii ay xuquuqdooda waayaan ay adag tahay inay si hagar la'aan ah u shaqeeyaan.

ISlaan Ciise Islaan Maxamed oo ugu dambeyntii kulanka soo xirey, ayaa kula dardaarmay dowlada iyo bulshadaba inay si dhow u wada shaqeeyaan islamaarkaana layska kaashado wax kasta oo maslaxadda umadu ku jirto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Tahay Tallaabada ay Puntland Qaadeyso Haddii Dowladda Federaalka Faragelin ku Sameyso Amnigeeda?

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadda Puntland ay heegan buuxa ku jiraan...

  • Puntland

    01-07-2026

  • 11:03AM

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM